Dagaal Beeleed Ka Socda Nawaaxiga Degaanka Galinsoor

Somalia news

Wararka hordhaca ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo u dhexeeya laba Maleeshiyo-beeleed ayaa shalay galab ka qarxay degaanka Mira-cawleed oo ka tirsan degmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud, dirirtaan ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac…

Xogtaan ayaa sheegtay in Meleeshiyaadkaaan hubaysan oo ka soo kala jeeda Degaanada Galinsoor iyo Dhabbad ayaa ku dagaallamaya degaanka Mira-cawleed, kuwaasoo isku adeegsanaaya Hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaal-Beeleed kaan ayaa la sheegay inuu dhaliyay Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin, Odayaasha Dhaqanka, Maamulka Galmudug iyo Dowladda Federaalka Ayaan weli ka hadlin colaadaan,

137550cookie-checkDagaal Beeleed Ka Socda Nawaaxiga Degaanka Galinsoor