Dagaal Dhex Maray Xoolo Dhaqato iyo Beeraley Oo Khasaare Dhimasho Sababay..

Africa News

Warar hordhaca ah ee laga helaayo Dalka Chad ayaa sheegaya in isku dhacyo hubeysan oo u dhaxeeya Xoolo dhaqato iyo Beeraley uu sababay geerida 10-Qof, sida laga soo xigtay ilo Amaanka ah ee Dalkaasi oo u warramay Wakaalada Wararka ee AFP…

Wararka ayaa sheegay in Isku dhacaan uu ka dhacay Kobfurta Dalka Chad, degaankaasi uu noqday mid ay ka dhacaan rabaahadaha noocaan oo kale, iyadoo qulqulatooyinkii ugu dambeeyay la sheegay iney ka dhaceen Khamiistii la soo dhaafay, Dirirtaan ayaa bilaabay kadib markii Wiil 12-sano jir oo Xoolo dhaqato ah uu Xoolaha geeyay Beer Lows ah laguna dilay halkaasi.

Wararka ayaa sheegay Waalida Wiilkaasi ayaa ugu aarau iney dhegta dhiiga u daraan 9-Qof oo Beeraley ah, shilkaan ayaa la sheegay inuu ka dhacay degaan caasimada u jirta 600-KM, Hey’adaha Amaanka ayaa lasheegay iney xireen ilaa 5-Qof oo Beeraley ah kuwaasoo soo saaray go’aanka dilka ah ee Wiilka Xoolo dhaqatada ah, Xiisadahaan ayaa salka ku haya Loolanka Dhulka Daaqa ah.

258230cookie-checkDagaal Dhex Maray Xoolo Dhaqato iyo Beeraley Oo Khasaare Dhimasho Sababay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com