Isbaheysiga Dhiciska ah Ee Madaxweynayaashi hore ma yihiin Kuwo U Adeegaaya Danta Shacbiga…

Somalia news

Kadib markii Laanta Fulinta ay horgeysay 2-Aqal ee Baarlamaanka dib u eegista iyo ka doodista Dastuurka qabyada ah si looga doodo kadibna la ansixiyo ayaa waxaa soo shaac baxaayay Koox diidan oo ay hormuud u yihiin Madaxweynayaashi hore (Sheekh Shariif iyo M.Farnmaajo), tiro Siyaasiyiin ah & Maamulka Puntland…

Dad badan ayaa aaminsan in Ex.Madaxweyne Sheekh Shariif loo hayo xurmad iyo qadarin badan guud ahaan Gayiga Somalia, waana inuu joojiyo Fududka siyaasad la boodka kana fogaado wax la qeybsiga Kooxda Farmaajo iyo Fahad, xiligaan Siyaasada fashilka ee Farmaajo iyo kooxdiisa oo la ogaa iney 2-sano oo muddo korarsi ka qalqaalsatay Hogaankii Barlamaankii 10-aad kaa soo horseeday Dagaal dhiig badan ku daato.

Shiraakadaan (Sh.Shariif & Farmaajo) waxaa doontooda ka degay Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cabdulqaadir Cosoble, iyagoo ku sababeeyay in xiligaan Isbaheysi la la gelin karin Kooxda N&N, waxeyna kooxdani khatar ku yihiin jiritaanka iyo Midnimada Qaranka Soomaaliyeed, ku darsoo Dad badan ayaa aaminsan in Farmaajo uu soo adeegsaday Abiy Axmed-ka Ethiopia oo xiligaan hunguri ka galay inuu xeebaha Dalka xoog ku qaato.

Dhanka kale Maamulka Puntland, maxey kaga dhigan tahay iney Isbaheysi la galaan Kooxda Farmaajo oo la yaqiinsan yahay in soo dhoweyntii safarkiisii Degaanada Puntland ee loogu caleemo saaray iney u doortaan Siyaasiga Beesha Daarood, muxuuna ugu abaal guday:-

-Farmaajo inuu diido Dhagax dhigii Dekeda Garacad.

-Mashaariicdii Horumarinta uu ka hor istaago.

-In Bixinta Shahaafooyinka Dugsiyada ee Ardayda uu hor istaago.

-In Siyaasi aan isaga aheyn uusan Beesha Daarood ka soo bixin.

Iskaashatada Farmaajo iyo Fahad oo weli ay gacmahooda ka muuqdaan dhiigii Dadkii ay laayeen iyo Hooyooyinkii ay jidadka ka xirteen ee wadooyinka ku dhalay, Halka Daawooyinka iyo Gargaarkii loo waday Isbitaalada & goobaha Caafimaadka ka hor joogsaday, miyaa xiligaan Isbaheysi la la noqon karaa.

312480cookie-checkIsbaheysiga Dhiciska ah Ee Madaxweynayaashi hore ma yihiin Kuwo U Adeegaaya Danta Shacbiga…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com