Muxuu Xambaarsan Yahay Wararkii USA Ee Somalia

Somalia news

Aqoonyahannada u dhuun daloola Siyaasada gudaha ee Somalia ayaa qiimeyn ku sameeyay warka ka soo yeeray Danjiraha Mareykanka ee ku saabsaneyd xaalada siyaasadeed ee dalka iyo baaqa uu u diray dowladda Federaalka inay wada hadal la furto Maamul goboleedyada….

Waxeyna daraasaad iyo falanqeyn ku sameeyeen nuxurka uu xambaarsan yahay Baaqyada Mareykanka iyo waaqiciga dhabta ah ee la taagan yahay, maadaama Mareykanka uu yahay deeq bixiyaha ugu weyn iyo Teegeeraha Siyaasada qar-iska tuurka ee Farmaajo oo muddadii 3-da sano ee ugu dambeysay Dalka geliyay xaalad khatar ah, waxaana lagu soo koobay Qodobadaan hoosta ku xusan:-

1. Soomaali heshiis ma aheyn tan iyo 1969-kii markii askartu qoriga caaraddiis ku qabsatay dalka, dastuurkii heshiiska lagu ahaana ay laaleen.

2. Soddonkii sano ee u dambeeyay, colaad sokeeye ayaa ragaadisay. Reer walbana xaafaddoodii ayay ku laabteen markii lagu heshiin waayay qarankii ka dhaxeeyay.

3. Inkastoo aan dowlad caalamku aqoonsan yahay leennahay, haddana wali ma lihin tiirarka dowlnimada waarta, sida heshiis bulsho (dastuur), si dhab ahna loogama heshiin colaaddii gaamurtay. Dadkuna madaxdooda ma doortaan.

4. Dowladdeennu kama taliso inta badan dalka oo gacanta ugu jira dowlad goboleedyo iyo Al-Shabaab. Inta ay gacanta ku haysana waxaa ku ilaalinayay 19-kun oo AMISOM ah 14-kii sano ee lasoo dhaafay.

5. Ku dhawaad 70% miisaaniyadda Dowladda waa deeq ka timid saaxiibbada Soomaaliya.

6. Deeq bixiyaha ugu weyn 20kii sano ee lasoo dhaafay, isla markaana ah dalka ay ciidankiisa cirku joogtada ula dagaallamaan argagixisada Shabaab, waa Mareykanka. Intaas ayaana xaq u siineysa inuu talo usoo jeediyo madaxda Soomaalida. Haddii aan heshiis aan laheynna looma baahdeen taladaas.

Runtaas sida sibirka u qaraar haddaannaan isku sheegin, dhalanteed ayaan isugu bishaareyneynaa.

40900cookie-checkMuxuu Xambaarsan Yahay Wararkii USA Ee Somalia