Dagaal Ka Dhacay Magaalada Beled weyne & Khasaaraha Ka Dhashay…

Somalia news

Kadib markii ay Ciidamada ATMIS ee Dalka Djibouti ay ka baxeen fariisimadii ay ku lahaayeen magaalada B/Weyne ayaa waxaa ka dhacay Dagaal saacado badan qaatay una dhaxeeya Xoogag kala taabacsan Maamulka Hirshabelle iyo kuwa la baxay Hiran state…

Dirirtaan Beeleysan ayaa bilaabatay abaarihii xalay abaare 11:00 habeenimo kadib markii Xoogaga Hirshabeelle ay weerar ku qaadeen fariisimo Hiiraan State ku leedahay gudaha xerada Lamagalaay, Inta la xaqiijiyay dagaalkaan mararka qaar si goos goos ah u dhacayay waxaa ku geeriyootay ilaa 6-Qof oo isugu jira Dhinacyada dagaalamay iyo Dad Rayid ah oo rasaastu ugu tagtay guryahooda xili ay hurdayeen.

Xoogaga la baxay Hiiraan state ayaa wali gacanta ku haya xarumaha Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Baledweyne, halka kuwa Hirshabeelle ay ku sugan yihiin Saldhiga degmada Baledweyne iyo nawaaxigiisa, waxeyna ku dagaalamayaan Gacan ku heynta qeybta ay drgaan yihiin Beesha Xawaadle oo dhinacayaadan ka soo jeedaan.

314590cookie-checkDagaal Ka Dhacay Magaalada Beled weyne & Khasaaraha Ka Dhashay…