Dagaal Ka Qarxay Magaalada Beledweyne

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan una dhaxeeyo Laba Maleeshiyaad oo daacad u kala Gudoomiyaha Gobolka iyo Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda, dagaalkaan ayaa la sheegay inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac, iyadoo barakac xoogan uu ka bilaawday gudaha Magaalada…

Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiyaad daacad u ah Gudoomiyaha Maamulka Cali Jeyte iyo Sarkaal magaciisa lagu sheegay Nuur Dheere, Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii kolonyo uu la socday Cali Jeyta ay ku yimaadeen isbaaro jid sh Oo u xirneyd Maleeshiyaadka Nuur Dheere Ee Xaafada Kooshin.

Dagaalka oo sii xoogeystay ayaa ka socdo xaafadda Kooshin, waxeyna labada dhinac isku adeegsanayaan hub culus, Khasaaraha ilaa hadda la ogyahay waa dhaawaca 7-Qof iyo dhimashada 1 qof, waxaana aagga uu dagaalka ka socdo ka billaawday barakac, iyadoo Dadka Rayidka ah ay wajahayaan Cabsi xoogan isla markaasna bilaabay qax.

159190cookie-checkDagaal Ka Qarxay Magaalada Beledweyne