Wararkii Ugu Dambeeyay ee Kulanka Guud Ee Qaramada Midoobay

Somalia news World

Shirweynaha sanad-laha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa Talaadadii shalay si rasmi ah uga furmay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, Hogaamiyayaashii ka hadashay maalinti furitaanka ayaa khudbadahooda xoogga ku saareen xasaradaha sii baahaya ee dunida, colaadaha, Sicir-bararka saameeyay nolosha guud ahaan dadyowga caalamka, Isbeddalka cimilada, Cunsuriyadda iyo naceybka iyo qodobbo kale….

Madaxda Wadamada maanta ka hadli doona shirka waxaa ka mid ah Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, Madaxweynaha Kenya William Ruto, Hoggaamiyeyaasha dalalka Britain, Iran, Nigeria, iyo Ghana iyo sidoo kale dalal kale oo dhowr ah.

Madaxweynaha Somalia ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka ee ku aaddan Xasiiloonida iyo Nabadda, Dagaalka ka dhanka argagixisada, wax ka qabashada abaaraha iyo gurmadka degdegga ah iyo dhammaan caqabadaha ay la tacaalayaan Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Shucuubta Gobolka.

Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda dalalka ka qeyb galaya Meertadan, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey, si uu u adkeeyo danaha iyo doorka dalkeennu uu ku leeyahay fagaareyaasha caalamiga ah.

214530cookie-checkWararkii Ugu Dambeeyay ee Kulanka Guud Ee Qaramada Midoobay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com