Koox Hubeysan Oo Ugu Baaqday Hey’adaha Samafalka iney ka Baxaan Somaliland..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaanada Waqooyiga Somalia ee la magac baxay (Somaliland) ayaa sheegaya in Jabhad (Koox) hubeysan oo farsiin ka dhigtay Buurta Gacanlibaax ayaa Hay’adaha Samafalka ee Caalamiga ah ugu baaqday iney ka baxaan kadib afduub ay shalay u gaysteen shaqaale iyo Gaadiid Hey’addeed…

Wararka ayaa sheegay in Shaqsi lagu magacaabo Baashe Xasan Maxamed oo kamid ah Maamulka Jabhada oo waraysi siiyay Warbaahinta gudaha, ayaa hay’addaha caalamiga ah ugu baaqay iney degaanada Somaliland ka baxaan inta xilka laga tuurayo Maamulka Biixi sida uu hadalka u dhigay.

Kooxdaan Hubeysan ayaa doraad weerar ay ku qaaday degaanka Dabagoroyaale oo ka tirsan Degmada Oodweyne ayaa afduub ugu gaystay Wadayaal iyo Laba Gaari oo ay lahayd Hay’adda Miino baarista ee Hello Trust, Xisbiga Waddani iyo hogaanka ururka Barwaaqo ayaa ilaa hada cambaareeyay weerarka ay jabhadu ku qaaday shaqaalaha iyo hantida hay’adda iyaga oo ku tilmaamay wax laga xumaado.

271370cookie-checkKoox Hubeysan Oo Ugu Baaqday Hey’adaha Samafalka iney ka Baxaan Somaliland..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com