Xildhibaan Ka Tursanaa Golaha Wakiilada Hargeysa Oo Mogadishu Gaaray

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte oo ka tirsanaa Xildhibaanada la badalayo ee Golaha wakiilada Somaliland ayaa la sheegay inuu u goostay magaalada Muqdisho…

Xildhibaan Rayte oo ka mid ahaa mudaneyaasha laga soo doortay Gobolka Sanaag doorashadii 2005 ayey warar xogogaal ahi sheegayaan inuu dhawaan safar qarsoodi ah ku tagay magaalada Muqdisho isaga qorshaynaya inuu ka qayb galo doorashooyinka ka dhacaya Somalia.

wararka ayaa sheegaya in Xildhibaan Rayte uu doonayo inuu tartan u galo kursi ka tirsan aqalka sare ee Baarlamaanka Somalia oo uu damac kaga jiro inuu ka mid noqdo, iyada oo dhawaana la bilaabi doono doorashada ay ku soo baxayaan xildhibaanada aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Wararka ayaa intaasi raaciyay in Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ay wakhti iyo dhaqaale badan ku bixiyeen sidii loo qancin lahaa Mr.Reyte inuu ku soo biiro Doorashada dadban ee dhowaan la filaayo in laga qabto Somalia.

131420cookie-checkXildhibaan Ka Tursanaa Golaha Wakiilada Hargeysa Oo Mogadishu Gaaray