Dagaalka Degaanka Buqdharkeyn oo Saameyn ku Yeeshay Gaadiidka Hey’adaha UN-ka & Sababta ka Dambeysa…

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in dagaalkii dhawaan ka dhawacay Degaanka Buqdharkeyn una dhaxeeyay Xoogaga Beesha Isaaq iyo Isbaheysatada Xoogaga Daaroodka, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac soo kala gaaray ayaa lagu kala qabsaday Gaadiid kuwa Hey’adaha QM…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Maamulka Muuse Biixi ay soo afduubteen tiro Gaadiidka Qaramada Midoobay ugu deeqday latacaalida Ayaxa iyo u adeegida bulshada u adeegsanaysa, dagaalka Sool, tani waxay muujinaysaa in Maamulka Hargeysa ay baahi weyn u qabto gaadiidka dagaalka.

Gaarigaan, ayaa wuxuu ka mid ahaayeen ilaa 6-Gaari oo kuwa Soomaalidu u tagaan Cabdi Bile ayna Hey’adda FAO ugu deeqday Somalia, gaar ahaana Maamulka Hargeysa, waana ayaan darro in dagaalada loo adeegsado, iyadoo Talabadani ay horseedi karto iney joogsadaan gabi ahaan deeqaha Hey’adaha Samafalka.

289460cookie-checkDagaalka Degaanka Buqdharkeyn oo Saameyn ku Yeeshay Gaadiidka Hey’adaha UN-ka & Sababta ka Dambeysa…