Dagaalka soo Noqnoqday ee Baraawe Oo Xal ka Gaaris u Baahan Sidii loo Xakameyn lahaa Ciidamada Maamulka & kuwa Federaalka..

Somalia news

Waxaa marqaati ma doonto ah in Dagaalka soo Noqnoqday ee Degmada Baraawe uu Xal ka Gaaris deg deg ah u Baahan Sidii loo Xakameyn lahaa Ciidamada Maamulka & kuwa Federaalka, iyadoo ilaa haatan dhinacyadaan ay ka gaabiyeen in xil la iska saaro joojinta dhiiga daadanaya…

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Konfur Galbeed oo ku dagaalamay gudaha magaalada Baraawe, kadib markii uu muran dhanka sharciga ah ka dhashay iyo Boobka hantida Dadka Shacabka oo ay ku hayaan Xoogaga Konfur Galbeed, iyadoo xalay dood arrintaasi ku saabsan lagu qabtay Barnaamij Live ah oo X (Twitter) kana dhacay magaalada Baraawe ayaa lagu soo bandhigay aragtiyo kala duwan.

Dadka Dooda ka qeyb galay ayaa isla meek dhigay in joogitaanka Ciidamada hal-beeleed ee Degaanka ay muujinayso ilaalinta qabaa’ilka sida sharci darrada ah hubka u haysto, kuwaasoo laga soo diray Magaalada Baydhabo degaanaanshana u diiday iney Degmada si Nabad ah lagu wada noolaado.

Ciidamadaan ayaa haatan ku sugan Xarunta Ciidamada ATMIS ee degaanka Mudul-Baraawe, kadib markii dagaalkii koobnaa ee kadhacay gudaha magaalada lagaga itaal roonaaday, iyadoo Maamulka Villa Somalia loogu baaqay in xal waara oo deg deg ah laga gaaro dhibaatadaan soo noqnoqtay khasaarahana dhaliya.

321110cookie-checkDagaalka soo Noqnoqday ee Baraawe Oo Xal ka Gaaris u Baahan Sidii loo Xakameyn lahaa Ciidamada Maamulka & kuwa Federaalka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *