Miyee Raali gelin ka Bixisay Sacdia Salaad Hadalkeedii Xanafta lahaa Kulankeedii Culimada

Somalia news

Kulan ay soo qabanqaabisay Madaxtooyada Villa Somalia ayaa maanta ka qabsoomay Xafiiska Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka oo maalmahaan mowjado isku kicisay kadib markii si caro ka muuqata ay uga hadashay Sharciga Jinsiga hanjabaadna u jeedisay Culimada Soomaaliyeed…

Kulankaan ayaa waxaa ka soo muuqday Afhayeenka Suufiyada Sheekh Cabdulqaadir Soomow iyo xubno kale, ilaa hadda lama yaqaano iney raali gelin ka bixisay Ihaanadii ay Gabadhaani u geysatay Diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Shacbiga Soomaaliyeed, waxeyna xiligaan wajaheysaa mowjado inkastoo ay diiday iney raali gelin buuxda ka bixiso hadalkeedii xanafta lahaa.

Kulanka Sacdiya Salaad iyo Tiro Culumaa’udiinka ayaa kusoo aadaya iyadoo Muqdisho uu ka socdo abaabulka mooshin xooggan oo xilka looga xayuubibayo Guddoomiye kuxigeenka kowaad ee Golaha Shacabka BJFS.

228950cookie-checkMiyee Raali gelin ka Bixisay Sacdia Salaad Hadalkeedii Xanafta lahaa Kulankeedii Culimada