Duqeyntii Xooganeyd ee Gantaalada & Drones Iran ee Israel Oo aan ka soo Bixin Natiijo…

World

Xaalada Amaan ee Gobolka Bariga dhexe ayaa Todobaadyadii u dambeeyay ku suntaneyd mid cakiran, iyadoo Xalay saqdii dhexe ay Ciidamada Iran iyo Xulafadooda Xisbullah, Xuutiyiinta iyo Xoogaga Shiicada Iraq ay weeraro ku qaadeen Dhowr bartilmaameed oo ay Ciidamada Israel ku leeyihiin Gudaha Dalkaasi…

Wararka ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Iran ayaa 170-Drones oo is-miidaamiye ah u adeegsaday Weerarkaan iyo 30-Gantaalada ridada dheer iyo 120 Gantaal ballistic ee ridada dhexe, waxeyna bartilmaameedsadeen Garoonka Ciidamada Cirka ee Ramon iyo Nagev ee Israel kuwaasoo khasaare kooban la gaarsiyay, iyadoo Lidka Difaaca USA ee Syria, Iraq iyo Jordan ay ka qeyb qaateen soo ridida Drones-ka iyo Gantaalada qaarkood.

Warka Xiisaha iyo La yaabka leh ayaa ah Weerarada Ganaalada kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa ku qasabtay Markabka dagaalka Faransiiska ee Aquitaine-class FREMM frigate Alsace inuu si hal-haleel ah ka baxo Badda Cas kadib markii ay ka dhamaadeen Gantaaladii lid-ka difaaca iyo Rasaastii sida laga soo xigtay Sarkaal sare oo Isbaheysiga NATO ka tirsan.

Ku darsoo Mar sii horeysay ayaa Saraakiisha Mareykanka dhawaan Maamulka Xuutiyiinta ee Sanca u soo bandhigay “iney qirtaan Howlgalada ay ka wadaan Badda Cad iyo Indian Oceans ay sharci darro tahay, waxeyna soo jeediyeen in Xuutiyiinta ay joojiyaan Beegsiga Maraakiibta Xamuulka iyo Ganacsiga iyagoo ku bedelaya dhexdhexaadnimadiisa dagaalka Gaza ka socda iyo arrimaha Gudaha ee Yemen faraha kala baxayaan.

321150cookie-checkDuqeyntii Xooganeyd ee Gantaalada & Drones Iran ee Israel Oo aan ka soo Bixin Natiijo…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *