Ma Dhabaa in Horjoogayaasha Waayo Arag Oo Xagal daacin ku hayaan Dagaalada Agaga Galmudug

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Horjoogayaasha Kooxda la magac baxday Waayo arag oo uu Horjooge u yahay Axmed Qorqor ayaa lagu eedeeyay iney xagal daacin ku hayaan abaabulka iyo Dagaalada la qorsheeyay in laga xoreeyo Kooxda Argagixisada Shababka ee degaanada hoos taga Maamulka Galmudug…

Xogtaan ayaa sheegtay in Howlgal la qorsheynayey in argagixisada Shababka looga saaro degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud uu soo food saaray dib u dhac ka dib khilaaf ka dhashay qaabka loo weerarayo degaanka Ceel-lahelay oo dhaca inta u dhaxeysa Dhuusamareeb iyo Ceelbuur sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Khiaafkan ayaa sababay in xalay ay magaalada Dhuusamareeb dib ugu laabtaan Ciidamadii duulaanka qaaday ee maalmihii lasoo dhaafay ka talaabay degaanada Sinadhaqo iyo Laba-dulle kuwaasoo gaaray hareeraha degaanka Ceel la helay.

Khilaafka ayaa la sheegay inuu kiciyay Xildhibaan Yuusuf Dhagey Ugaas oo ka soo jeeda degaanka la qorsheeyay in la weeraro, wuxuuna diiday in Duqeyn lagu bilaabo weerarka, isagoo ku amray Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka & Ciidamadii uu Hogaaminaayay iney dib ugu laabtaan magaalada Dhuusa mareeb.

215720cookie-checkMa Dhabaa in Horjoogayaasha Waayo Arag Oo Xagal daacin ku hayaan Dagaalada Agaga Galmudug