Ergada Odayaasha Dhaqanka Ee Konfurta Dalka oo Kormeereen Jiida Dagaalka..

Somalia news

Eegada Dhaqanka ee Koonfurta ayaa kormeer lagu geeyay jiidaha dagaalka ee Gobolka Sool, halkaas oo ay isku horfadhiyaan Xoogaga degaanka & kuwa Somaliland, si ay indhahooda ugu arkaan masaafada labada dhinac isku jiraan, una arkaan xaqiiqada taala goobtan…

Odayaashaan oo ay wehliyaan Garaadada SSC ayaa tagaya gudaha magaalada Laascaanood, iyagoo booqan doona goobaha adeegyada dadweynaha ee waxyeelada u geysatay Somaliland, lana kulmaya waxgaradka & Dadweynaha.

Maamulka Muuse Biixi ayaa ka soo horjeeda dhexdhexaadintan, waxayna u aragtaa in ay dhaawac siyaasadeed iyo fashil amniba ku noqonayso haddii ay Isimaddan xal u helaan colaada Laascaanood, iyagoo sabab uga dhigaya in ay kasoo jeedaan Somalia oo ay Hargeysa sheegtay in ay ka go’oday kal hore, waxeyna sheegeen in aan lagu soo dhaweyn doonin magaalada Hargeysa.

248310cookie-checkErgada Odayaasha Dhaqanka Ee Konfurta Dalka oo Kormeereen Jiida Dagaalka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com