Madaxii Saldhigga Boliiska Galbeedka Garoowe Oo La Dilay

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in Nin hubeysan uu bartamaha magaalada Garoowe ku toogtay Taliyihii Saldhigga galbeed ee Garoowe, alle ha u naxariistee Labo xiddigle, Axmed Cali Shire…

Wararka ayaa sheegay in war kasoo baxay Taliska Qeybta Boliiska Gobolka Nugaal ayaa lagu sheegay in Howlgal au fuliyeen Ciidamada ay ku soo qabteen Eedeysanaha toogtay Marxuum Axmed Shire, Waxaana ay xuseen in cadaaladda la horkeeni doono.

Eedeysanaha dilka geystay u Taliyaha oo la sheegay inuu isticmaalay Maandooriyaha Khamriga ayaa sida xaqiijiyeen ciidamada Boliisku isla markiiba gacanta ku dhigeen, iyadoo magaalada Garoowe oo ka mid ah Magaalooyinka ay muddoyinkii dambe ku soo badanayeen dadka isticmaala maandooriyaha kuwaas oo sababa dilal iyo dhacdooyin amni darro.

248220cookie-checkMadaxii Saldhigga Boliiska Galbeedka Garoowe Oo La Dilay