Dagaalo Ka Qarxay Xarunta Ciidamada Waqooyiga Ethiopia

World

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Magaalada Addis abeba ayaa sheegaya in Xiisadii u dhaxeysay Maamulka Mukalla iyo kan Addis abeba ay gaartay gacan ka hadal, kadib markii la weeraray Xarunta Taliska Ciidamada Waqooyiga Ethiopia oo fadhigiisu yahay Xarunta Gobolka Tigray…

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Mr.Abiy Axmed uu amar siiyay Wasaarada Difaaca iyo Taliska Ciidamada Ethiopia iney qaadaan talaabo kasta lagu difaacaayo Hubka iyo Saanada Ciidamada Difaaca Waqooyiga oo ay la sheegay iney weerareen Ciidamada Maamulka Dowlad Goboleedka Tigray dhowaan, waxaana la jaray dhamaan khadkii isgaarsiinta laga bilaabo (22,00 GMT)

Members of Tigray police are pictured at a checkpoint in the outskirts of Mekele on the day of Tigray’s regional elections, on September 9, 2020. – Ethiopia’s northern Tigray region holds a parliamentary election that Prime Minister Abiy Ahmed’s government has deemed illegal. The election represent the latest challenge to Abiy’s authority as he navigates a democratic transition hobbled by deep political and ethnic divisions, and a low point in the bitter dispute between Tigray and the federal government in Addis Ababa. (Photo by EDUARDO SOTERAS / AFP)

Taliska Ciidamada Waqooyiga oo 1000-KM u jira Caasimada ayaa la sheegay waxeyna xaruntiisu ku yaal Magaalada Mukalla Ee Caasimada Tigray, waxaana taliskaasi la sheegay inuu weli ka amar qaato Magaalada Addis abeba, Iyadoo Ciidamadaasi lagu qiyaasay ilaa 50.000 Oo Askari isugna jira Kuwa Cirka iyo Dhulka.

Mr.Abiy ayaa Ku Eedeeyay Maamulka TPLF iney gacan siiyaan Ururka OLF Shane, kuwaasoo dhowaan xasuuqay 32-Qor Gobolada Oromada, wuxuuna ugu baaqay Shacbiga Ethiopia iney si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa iyo dandaansiga Maamulka Tigray, Maamulka ayaa dadkiisu u dhigmaa 5% 109 millions oo ay Ethiopia dadkeedu dhan yahay.

70430cookie-checkDagaalo Ka Qarxay Xarunta Ciidamada Waqooyiga Ethiopia