Somalia Oo Cudurka HIV/AIDS oo Tirada Bukaanada Uu Soo Ritay Oo Korortay & Sababta…

Health Somalia news

Warbixin baaris Caafimaad oo la sameeyay ayaa shaaca ka qaaday in Tirada Bukaanada uu ku kacay Cudurka HIV/AIDS la sheegay iney korortay 6-Bilood ee u dambeysay, Baaristaan ayaa daaha ka rogtay in xowliga Cudurkaan ugu faafaayo guud ahaan Degaanada Dalka…

Guddiga ka hortagga Cudurkaan oo dib u bilaabay Wacyi gelinta iyo Tababarada Shaqaalaha ayaa sheegay in 6-dii Bilood ee u dambeysay baaris-Caafimaad oo la sameeyay laga helay 11-kun oo Bukaan, iyadoo laga cabsi qabo in tiradaasi ay kor u kici karto sababo la xiriira Dadka oo qaarkood diidan iney is-baaraan.

Gudoomiyaha Guddiga ka hortagga Cudurka HIV/AIDS ayaa sheegay iney Dadaal ugu jiraan sidii kor loogu qaadi lahaa wacyi gelinta Bulshada iyo Khatarta sida fudud uu u faafi karo Cudurkaan, Gudoomiyaha ayaasheegay in 4,419 oo Bukaan ay si joogto ah u qaataan Daawooyinka, isagoo ka codsaday Dowlada Federaalka iyo Hey’adaha Gargaarka taageero Dhaqaale, Mid siyaasadeed iyo qorshe Abaabul oo Shacbiga Soomaaliyeed looga digaayo halista Cudurkaan faafintiisa.

282980cookie-checkSomalia Oo Cudurka HIV/AIDS oo Tirada Bukaanada Uu Soo Ritay Oo Korortay & Sababta…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com