Shirkad Shidaalka ka Ganacsata oo Talaabo ay Qaaday Muran Dhalisay..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Shirkad Shidaal oo Degaanada Somalia iyo Africa ayaa takaabo ay qaaday kala kulantay dhaliil badan oo ay ka wajahayso baraha bulshada kadib markii ay soo bandhigtay kharadiidado muujinaya Dalalka ay ka howlgasho…

Soomaalida isticmaasha baraha bulshada ayaa markiiba isha la helay khariidadda Somalia oo ay Hass ku muujisay laba dal oo ay u kala sawirtay Somalia iyo Somaliland, waxaana bartii Baraha Bulshada ka qaraxday dood adag, iyadoo lagu canaantay iney dhiiri gelineyso kala go’a Dalka.

Ha yeeshee, Talaabadaan ayay sidoo kale la xaqiijiyay iney ku dhaqmaan Shirkado kale oo Dalka Somalia ka howlgala sida xawaaladaha iyo shirkadaha duullimaadyada qaarkood, iyadoo DF Somalia aysan wax tillaabo ah ka qaadin.

286810cookie-checkShirkad Shidaalka ka Ganacsata oo Talaabo ay Qaaday Muran Dhalisay..