Dalalka Reer Galbeedka Oo Ciidamo iyo Maraakiib ku uruursadeen Dalka Djibouti

U.S. World

Wararka naga soo gaaraya Dalka Djibouti ayaa sheegaya abaabul iyo tiro badan Ciidamada Khaaska ah ee Dowladaha USA, France & Germany ayaa lagu diyaariyay Fariisimadooda ku yaal Caasimada Djibouti, waxeyna sheegeen iney soo daadgureynayaan Dadkooda iyo Shaqaalaha Safaaradahooda ka joogaan Dalka Sudan…

Wararka ayaa sheegaaya In ka yar 15 diyaaradood oo ah nooca ciidamada cirka ee C-17A Globemaster III ee Ciidamada cirka ee Maraykanka ayaa gaaray dalka Jabuuti, halkaas oo laga dhisayo saldhig diyaargarow oo lagu soo daadgureynayo muwaadiniinta Maraykanka ah ee ku sugan dalka Sudan.

Howlgalka lagu daadgureynayo muwaadiniinta ajnabiga ah ayaa si degdeg ah u bilaaban kara, iyadoo ciidamada Suudaan ay dib ugu soo laabteen gacan ku haynta garoonka diyaaradaha ee Khartoum.

Tiro maraakiiba Ciidamada ee Xamuulka oo uu leeyahay Dalka Jarmal ah ayaa sidoo kale soo gaareen Dekada Jabuuti, waxeyna ka soo shiraacdeen Dalka Jordan.

252670cookie-checkDalalka Reer Galbeedka Oo Ciidamo iyo Maraakiib ku uruursadeen Dalka Djibouti