Daneeyayaasha Somalia Oo Leyli La Hordhigay

Somalia news

Kadib markii is-mari waa uu hakad geliyay Shirkii Dhuusa mareeb-3 inuu furmo, isla markaasna ay diideen iney ka qeyb galaan Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, isla markaasna ay Wakiilada Beesha Caalamka ka codsadeen iney soo faro geliyaan…

Doods Hogaanka Labada Dowlad Goboleed ayaa salka ku heysa ineysan Madaxda Dowlada Federaalka daacad ka aheyn wada hadalka Heshiiska Wadar oggolka ee xalka loogu raadinaayo nooca doorashada Doorashada 2020/21, Mr.Farmaajo ayeey ku eedeeyeen inuu ka baxay Heshiisyadii Dhuusa mareeb 1 iyo 2. isla markaasna uu Weli ku mashquulsan yahay marin habaabinta Wajiga 3-aad ee Shirka.

Talaabooyinka heshiisyadaasi baal marsan waxaa ka mid ah ridistii Xukuumada, isku koobida Gudiga Farsamada ee soo diyaarinaaya noocada doorashada, iyo iney ergo wakhti lumis ah u diraan degaanada Puntland iyo Jubbaland si loo qaldo Wakiilada beesha Caalamka, Dalabka Soo dhex galka Ee Puntland iyo Jubbaland ayaan weli taageero ka helin Wakiilada Beesha Caalamka, waxaana hortaagan Dalalka USA, UK iyo Qatar.

Ilo Wareedyo ayaa Diinah.com news u sheegay in Mr.Farmaajo uu ka soo horjeedo in Kaalin ku yeeshaan Wakiilada Beesha Caalamka Khilaafka ka taagan Dhuusa mareeb-3 furitaankiisa, wuxuuna ka cabsi qabaa in cadaadis lagu saaro ka tanaasulka riyadiisa muddo kordhinta, sidoo kale waxaa shaki laga muujiyay dhexdhexaadnimada Hogaanka Galmudug oo Kulanka Marti galineysa, iyagoo lagu eedeeyay iney u dhego nuglaadeen mayal adeyga Mr.Farmaajo isla markaasna ay heshiisyo qarsoodi ah la gaareen Villa Somalia.

55270cookie-checkDaneeyayaasha Somalia Oo Leyli La Hordhigay