Qarax Miino Oo Ka Dhacay Magaalada Mogadishu

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya qarax miino oo la la beegsaday Xubno ka tirsan Ururka Boliiska Dableyda Madaxtooyada, kaasoo la sheegay inuu ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askartii saarneyd Gaariga…

Wararka hordhaca ah ayaa Sheegaya in Qaraxa uu ahaa miino dhulka la geliyay waxaana lagu qarxiyay Sarkaal ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada kaasoo lagu magacaabo Cumar C/Maan Abuukar, kaasoo dhaawac Culus ka soo gaaray Qaraxa miinada, iyadoo uu ka dhacay wadada Afisioni ee Gobolka Benadir.

Waxaa Ku dhintay Askari ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada, sidoo kale 2 Askari ayaa dhaawac ka soo gaaray, kuwaasoo loo qaaday Isbitaalada Magaalada Mogadishu. Ilo wareedyo ayaa sheegay in Sarkaalkaan uu xiligaan Madax ka ahaa Ilaalada Musharax Daahir Maxamuud Gelle oo ka mid ah Midowga Musharixiinta.

101240cookie-checkQarax Miino Oo Ka Dhacay Magaalada Mogadishu