Dawladda Federaalka oo Ciidamo cusub u qaaday Dalalka Ugandha iyo Eritrea

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qorshe Ciidamo loogu daabulaayo iney tababaro ku soo qaataan Dalka dibadiisa, Gaar ahaan Dalalka Egypt, Uganda iyo Eritrea, Ciidamadaan ayaa sheegay intooda badan loo qaaday Bilihii ugu Dambeeyay Dalalka kor ku xusan…

Wareysi uu siiyay VOA-da, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha DFS, Xuseen Sheekh Cali ayuu ku sheegay in Ciidamada oo la qaaday ay qeyb ka yihiin tiro Ciidammo cusub oo Dowladda Federaalka qorsheysay inay u dirto dalal dhowr ah.

“Tababarka 15 kun ayaa waxaan rabnaa in sanadka 2023 gudaheed lagu soo dhameystiro, waxaa ugu horeysay saddexda kun ee Ugandha.” ayuu yiri Sarkaalka oo intaa ku daray in ay sidoo kale baxeen saddex kun oo askari oo loo qaaday Dalka Eritrea.

Madaxweynaha Somalia ayaa dabayaaqadii 2022 ka sheegay Dalka Mareykanka in ciidamada Dowladda ay bisha ‘December 2024, kala wareegayaan amniga guud ee dalka, ciidamada howgalka midowga africa ee ATMIS, inta ka horeysana ay diyaarin doonaan ciidammo Somalia oo tiro iyo tayo ahaan wanaagsan.

240390cookie-checkDawladda Federaalka oo Ciidamo cusub u qaaday Dalalka Ugandha iyo Eritrea
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com