Wasiirka Gaashandhigga iyo Koox uu Hormuud u yahay oo Lagu Eedeeyay Xagal daacinta Dagaalka Shababka..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in sanadkii ugu dambeeyay ay ka taagneyd khilaaf xargo goostay xarunta Wasaarada Gaashandhigga , kaasoo u dhaxeeya Taliska Ciidamada iyo Hogaanka Wasaarada, kaasoo curyaamiyay Howlgalada ay Ciidamada Dowlada ka wadaan degaanada Galmudug iyo Hirshabelle…

Xogtaan ayaa sheegtay in Wasiirka Gaashandhiga, Saraakiil ka howl gala Madaxtooyada iyo Wasaarada Warfaafinta ay isbaaro u dhigteen Saadkii iyo Sahaydii Ciidamada Dowlada Federaalka ee Howlgalada ka wada degaanada Galmudug iyo Hirshabelle, Kooxdaan ayaa sidoo kale waxey Saraakiil u daacad ah madax ugu magacaabeen Guutooyinka iyo Ururada Howlgalka wada.

Khubarada arrimaha Ciidamada ayaa waxay ka dareen celiyeen xaqiiqo murugo leh oo ay Ciidamada Dowladda la daalaa dhacayaan, iyadoo xiligaan ay muuqato Daruuro Musuq-maasuq iyo Khiyaano dul-saaran Hogaanka Wasaarada, taasoo keentay inay Ciidamada quus-gooyaan, sida ay sheegeen ilo wareedyadu, kooxdaan macaash doonka ah ayaa ka taajiray dhaca saadka, waxeyna u leexiyaan suuqa madow, talabadaan dhabar jabin ku ah howlgalka Ciidamada.

Kooxdaan ayaa la sheegay inuu Hormuud u yahay Wasiirka Gaashandhigga, Wasiiro Dowlaha Madaxtooyada, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta, Madaxa Habmaamuuska Madaxtooyada oo uu qabo Wasiirka Gaashandhigga iyo tiro Saraakiil ka tirsan Hogaanada Saadka iyo Howlgelinta, iyadoo loogu baaqay Madaxweynaha inuu Talaabo deg deg ah ka qaado.

275150cookie-checkWasiirka Gaashandhigga iyo Koox uu Hormuud u yahay oo Lagu Eedeeyay Xagal daacinta Dagaalka Shababka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com