Dhaca Gaadiidka Iyo Mootooyinka Oo Kordhay Muqdisho

Somalia news

Magaalada Muqdisho waxaa aad mudooyinkii ugu dambeeyay kusoo badanayay burcada hubeysan oo dadka shacabka ah dhaca u geysta, waxaana kooxahan burcada ah hada lasoo baxeen xirfado cusub ay dadka ku dhacaan…..

Kooxdaan burcad ah oo ku hubeysan bastoolada, isla markaasna la xaqiijiyay iney ka tirsan Ciidamadii dhowaan laga keenay Dalka Eritrea, ayaa bilaabay in ay dadka kala degaan gaadiidka Dadweynaha ee loo yaqaab BL-ka, iyaga oo iska dhigaya ciidamo baadi goobaya xubno Shabaab ah.

Burcadan hubeysan ayaana sidoo kale dhaca gaadiidka kuwa raaxada iyo Mootooyinka noocyada Fiyakooniga, Bajaajta cusub iyo Dadka wata mobilada qaali ah, waxeyna kusii qaataan mooto bajaaj ah oo laga leeyahay NISA.

Kooxahan burcada ayaana dadka ay gaadiidka kala degaan mootadana ku qaataan ku dejiya xaafado cidlo ah oo dadku ku yaryihiin waxa ayna kasii qaataan mobilada iyo waxyaabaha kale ee Qaaliga ah

Xoogaga amaanka ayaa ku guuldareestay iney kahortagaan Burcadaan, ilo wareedyo ayaa sheegaya in Gaadiidka la dhaco loo raro Gobolada iyo Degmooyinka qaarkood, waana kooxo abaabulan oo ka faa’iideynayaa xiliga kala guurka, Kooxahaan oo qaarkood dilal geystay ayaa u baxsaday Degaanada ay ka soo jeedaan.

43510cookie-checkDhaca Gaadiidka Iyo Mootooyinka Oo Kordhay Muqdisho