Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Dil Loogu Geystay Goobtooda Ganacsi ee South Africa..

Africa News Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helaya Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa Degaanka  Phillipi oo hoos tagta Magaalada Cape Town ee Dalka Konfur Afrika, waxa ay ku dileen labo muwaadin oo Soomaali ah oo ku sugnaa goob ganacsi…

Wararka ayaa sheegaya in kooxda burcada ah ee weerartay dukaan ay ku sugnaayeen labo wiil oo Soomaali ah, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Yuusuf Maxamed Taakow iyo Maxamed Deeq Muxudiin , oo kamid ahaa dhallinyarada fir fircoon ee Cape Town kunoolaa, iyadoo la sheegay burcada hubeysan in goobtaasi ku dileen labada wiil ay ku weerareen goobtooda kadibna dhac u geesteen dukaanka.

Dilkaan dhacay ayaa imaanaya xili maalmo ka hor sidaan oo kale dhainyaro Soomaaliyeed lagu dilay qeybo kamid ah dalka Koonfur Afrika, dilalka Soomaalida loo geesanayo ayaana noqday kuwa joogta ah oo aysan jirin cid wax ka qabaneysa.

286550cookie-checkMuwaadiniin Soomaaliyeed oo Dil Loogu Geystay Goobtooda Ganacsi ee South Africa..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com