Gacan Hadal Dhex Martay Xubno ka tirsan Xafiisyada Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helaya shaqaaqo gacan kahadal xambaarsan oo ka dhacay hoolka Hotel Decale ee shirka uga socda Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwii hore, wuxuuna dhex maray mid ka mid ah Saraakiisha Madaxtooyada iyo Ra’iisul wasaaraha kadibna isku rogay in hub iskula baxo…

Wararka ayaa sheegay in Xiisadaani ay ka dhalatay dagaal Gacan ka hadal ah oo dhexmaray Shaqsi ka tirsan Xafiiska Habmaamuuska Madaxweynaha iyo Agaasimaha Warfaafinta RW wasaaraha Farxaan Jimcaale, iyadoo la sheegay in Mr.Farxaan Jimcaale loo diiday inuu la galo Wasiirka 1-aad hoolka Shirka, isaguna wuxuu ku adkeystay inuu galo hoolka maadaama uu ku jiro Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada.

Intaasi kadib Shaqsi lagu magacaabo Qaamuus ka tirsan Xafiiska Habmaamuuska Madaxtooyada wuxuuna feer la dhacay Afhayeenka Xamze Farxaan Jimcaale, isaguna wuxuu watay buug weyn iyo Mobile-kiisa ku garaacay, waxaana intaasi kadib loo kala baxay Madaxtooyada iyo Xukuumada.

Afhayeenka Madaxtooyada Dige ayaa dagaalka kusoo biiray oo la saftay Shaqsiga kooxda Praticolka ka tirsana, halka Nasra Jabiiba oo ah Wariyaha gaarka ah ee Mr.Xamze ay kab ku garaacday ninka ay marka hore is feereen Farxaan Jimcaale oo ah nin iska qurbe joog ah oo aan reero dagaal eheyn.

Xaalada ayaa intaas kadib faraha ka baxday, waxaana hub iskula baxay Ilaalada labada , walow lakala dhex galay, Buuqaasi waxaa kusoo baxay madaxda shirsan oo qol gaara lagalay labada dhinac, iyadoo shirkii uu isu rogay meel taag taag ah oo lakala shakiyo.

Wariye Faracade oo Mobile-kiisa ku duubay muuqaalka dagaalka ayaa gabi ahaanba lagala wareegay telkiisi, hoteelkana banaanka looga saaray, waxaana laga tirtiray muuqaaladii feerka ahaa iyo xiisada kacsaneyd ee uu duubay, waloow waan waan kadib hoteelka lagu soo celiyay.

Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada ayaa horey Danjirihii Somalia ee Boqortooyada Sacuudiga u diiday inuu wax ka agaasimo Howlaha Shirka ee Dhanka Somalia bacdamaa uu hayay Xilka Danjirenimo balse waxaa ka hor istaagtay Agaasimaha Hinda Culusow oo qaraabo hoosr la ah Madaxweynaha.

265850cookie-checkGacan Hadal Dhex Martay Xubno ka tirsan Xafiisyada Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad..