Duulimaadyadii Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee maanta oo la hakiyay

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qoraal wagelin ah oo ay soo saartay Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, kuna aadan hakinta duulimaadyada Diyaaradaha gudaha iyo dibeda, marka laga reebo kuwa ambulance-ka, VIP-da iyo kuwii ay cilad ku timaado.…

Hay’adda ayaa Shirkadaha duulimaadyada ku wargelisay in shaqadii garoonka ee duulimaadyada la hakiyay, laga bilaabo 6-da subaxnimo illaa 6-da fiidnimo ee Arbacadan, sababo farsamo awgeed, iyadoo la joojiyay ku dhawaad 50 Duulimaad, dhowr boqol oo rakaab ah ayaa tikidhadooda la bedelay, waxaase lagu wadaa inuu Maanta Magaalada Mogadishu soo gaaro Madaxweynaha Dalka Djibouti Mr.Ismaaciil Cumar Geelle.

Ma cadda sababta dhabta ah ee loo hakiyay duulimaadyadii Garoonka Aadan Cadde, waxayse imaanaysa, xilli Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada uu shir uga socdo Magaalada Muqdisho.

233680cookie-checkDuulimaadyadii Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee maanta oo la hakiyay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com