Qoraal Been Abuur ah Doorashada Hirshabelle Oo lagu Shaaciyay Baraha Bulshada

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qoraal la soo dhigay Page-ka Facebook Guddiga doorashada Hirshabelle, isla markaasna dib looga saaray warqad lagu shaacinayay guddiga xulista saddex kursi uu ku jiro #HOP135 oo aan aheyn odayaashii saxda ahaa…

Guddoomiyaha Guddiga Axmed Xasan Diini ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay shaacinta liiskaas been abuurla ah, isagoo heshiis la galay Musharax gaar ah oo diidan inuu tartan furan galo, talaabadaan ayaa u muuqata mid lagu boobaayo Kuraasta.

Madaxtooyada Hirshabelle ayaa ku tilmaamtay liiskaas la shaaciyay mid been abuur ah oo dhowaan la shaacinayo liiska saxda ah, lalana xisaabtami doono cidii ka dambeysay been abuurkaas.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa soo saaray qoraal Xil ka qaadis uu ku sameeyay Gudoomiyihii Guddiga Doorashada Hirshabelle Axmed Xasan Diini, kafib markii uu ku takrifalay awoodiisa, waxaana xilkaasi loo magacaabay Maxamed Xuseen Maxamed (Waadi).

Xilka qaadistaan ayaa timid kadib markii guddoomiyihii guddigaas uu xalay soo saaray warqad ay ku qoryaanyeen odayaal la sheegay in ay soo xulayaan ergada dooranaysa saddax kursi oo kamid kuraasta taalla Baladweyn.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa dhowaan balanqaaday in kuraasta hartay ee Beledweyne taalla uu tartan furan ka dhici doono, iyadoo maalmo ka hor kuraas dhowr ah lagu tartamay.

176350cookie-checkQoraal Been Abuur ah Doorashada Hirshabelle Oo lagu Shaaciyay Baraha Bulshada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com