Deni oo Sheegay Koox yar kasoo Horjeedaan Doorashada & Dimuqraadiyadda Puntland..

Somalia news

Madaxweynaha Puntland Deni oo ku guda jiray Ololaha Doorashada Degaanka ayaa gaaray Degmada Iskushyban ee Gobolka Bari, ayaa ka hadlay Khilaafdka Doorashada iyo inay koox yar kasoo horjeedaan doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda Puntland…

Deni ayaa kooxdaas ku tilmaamay kuwo riyoonaya, iyadoo hadalkiisu u muuqday mid adkaynaya mowqifkiisa ku aadan qabsoomidda doorashada, “Koox yar oo riyo ku jira ayaa diidan Dowladnimada iyo Dimuqraadiyadda Puntland, Waxaa la arki jiray dad habeenkii riyooda, hadda waxaa soo baxay kuwa maalintii riyoonaya, Waxaan rajeynayaa inay riyadaas kasoo kacaan oo runta usoo daadegaan,” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale, Deni ayaa sheegay Dadku inay isbeddeleen, ayna diyaar u yihiin inay codkooda wax ku doortaan, Dhinaca kale, Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa isku dayaya inay is-hortaag ku sameeyaan daad-gureynta Qalabka Doorashada inuu ka baxo magaalada Garowe, iyadoo la sheegayo inay abaabuleen maleyshiyaad kasoo horjeeda doorashada.

256760cookie-checkDeni oo Sheegay Koox yar kasoo Horjeedaan Doorashada & Dimuqraadiyadda Puntland..