Maxaad ka Taqaan Noocyada Cunaqabteynta Hubka ee laga Qaadaayo Somalia..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ayaa laga helayaa qorshe qabyo ah oo la sheegay in Golaha Amaanka ee QM uu horey ugu rogay Cunaqabateynta Hubka ee Somalia kadib markii 1992-uu Dalka ka qarxay Dagaalka sokeeye, Rabshadihii Hogaamiye Kooxeedyada Dalka iyo kooxihii Hubeysnaa ee Ururo-Diimeedyada..

Ku darsoo Dalku wuxuu leeyahay Xeeb dheer iyo xuduudo iska furan maadama ay burburtay Dowladii Dalka ka jirtay, iyadoo qeybaha kor ku xusan ay fursad u heleen iney noocyada hubka kala soo degaanka, taasoo sii dheereysay Colaada isla markaasna laga cabsaday iney ku fidaan Dalalka Deriska.

Sanadkii 2013-kii ayeey Golaha Amaanka ee UN-ka waxey si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in qeyb ahaan la qaado xayiraadii saarneyd muddo Sanad ah, wuxuuna qaraarkaan saamaxay Dowladda Federaalka iney soo iibsayo Hubka noocyada dhexe iyo fudud, si ay uga caawiso iney Dagaalka ay kula jirto Kooxaha Argagixisada iyo in Ciidamadeeda xagga Amaanka hormariyaan.

Waxaa dhamaadka sanadkaan lagu wadaa in Golaha Amaanka ay shir ka yeeshaan sidii loogu oggolaan lahas in Dowladu soo iibsato Noocyada Taangiyada, Hoobiyaha dhumucdiisu gaareyso 120-mm, noocyada Drones-ka, Diyaaradaha, Maraakiibta Dagaalka noocyada Sawaariiqda iyo lidka diyaaradaha.

256730cookie-checkMaxaad ka Taqaan Noocyada Cunaqabteynta Hubka ee laga Qaadaayo Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com