Jemes Swan ”Somalia Waxey Wajaheysa Musiibo Bini’aadinimo oo Balaaran

Somalia news

Ergeyga  gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia James Swan ayaa sheegay in Dalku uu wajahaayo musiibo banii’aadanimo oo ay sababtay abaartii ugu xumayd ee dalka soo marta mudda ku siman 40 sano, taasoo saameyn ku yeelatay Dadka iyo Duunyada…

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Taageerada deegsinimo ee deeq-bixiyeyaasha awgeed, Hay’adaha gargaarku ay tan iyo bishii Janaayo afar laabeen tirada dadka kaalmada la gaarsiiyey oo gaartay 5.3 milyan, Hase ahaatee, baahidii oo marba ka sii dareysa iyo xilli roobaadkii shanaad oo la saadaalinayo in uu baaqdo.

“Somalia waxa ay wajaheysaa musiibo beni’aadanimo iyada oo ay 7.8 milyan oo Soomaali ah — ku dhawaad kala bar qiyaasta shacabka dalka — saameeyeen abaarihii ugu xummaa ee dalka soo mara muddo ugu yaraan afartan sano ah.Iyada oo ay afar xilli roobaad oo is xig-xiga baaqdeen, ayey meelo dalka ka mida wajahayaan khatarta macluul” ayuu yiri James Swan oo warbixin ku saabsan xaaladda abaarta oo uu siinayay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada Soomaaliya in ay fududeeyaan gaarsiinta kaalmada beni’aadanimo. Waxaana ugu baaqayaa dhammaan saaxiibbada Soomaaliya in ay si degdeg ah u kordhiyaan deeqda loo baahan yahay” ayuu sii raaciyay.

212310cookie-checkJemes Swan ”Somalia Waxey Wajaheysa Musiibo Bini’aadinimo oo Balaaran
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com