Khilaaf Hareeyay Shir Ka Socday Hoolka Shirarka ee Wasaarada Arrimaha Dibeda

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa muran xoogan & isqabqabsi gacan ka hadal ku sigtay ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda arrimaha Dibeda kadib muran soo kala dhex galay Wasiirkii shaqo joojinta lagu sameeyey Cabdisaciid Muuse Cali iyo Wasiiru dowlaha Balal Maxamed Cusmaan…

Xogtaan ayaa sheegtay in muranka u bilowday markii labada Mas’uul ay isku qabsadeen cida guddoomineysa Shir ay lahaayeen Agaasimeyaasha waaxyaha Wasaarada oo shalay ka dhacayey xarunta Wasaaradaasi, Cabdisaciid ayaa soo galay hoolka shirarka Wasaaradaas oo uu ka socday shir ay lahaayeen agaasime waaxeedyada Wasaarada, isagoo ku amray Wasiiru dowlaha oo shirkaas gudoominayey inuu ka baxo.

Hase yeeshee waxaa amarkaasi diiday Wasiiru dowlaha oo ku dooday una sheegay Wasiirka inuusan awood u laheyn gudoominta shirka maadaama shaqo joojin lagu sameeyey, waxaa markii dambe ay xaalada soo fara geliyeen saraakiisha qaabilsan amniga Xarunta Wasaarada oo ku qanciyey Wasiirka inuu goobta isaga tago.

190830cookie-checkKhilaaf Hareeyay Shir Ka Socday Hoolka Shirarka ee Wasaarada Arrimaha Dibeda
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com