Dowladda Somalia Oo Hor-istaagtay Qorshe Qaxooti Lagu Keeni Lahaa

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa qorshe Qaxooti Afghanistan ka soo jeeda kuna sugan Dalka UAE si KMG ah loogu keeni lahaa Magaalada Hargeysa, ayaa dib u dhac iyo diido xoogan ay ka keeneen Wasaarada Arrimaha Dibeda ee Dowladda Federaalka in aan lagala tashan…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Dadaaladaan lagu keeni lahaa Qaxootiga Afghanistan ee ku sugan Dalka UAE ayaa dib u dhac ku yimid, kadib markii Saraakiisha Wasaarada Arrimaha Dibeda Ee Dowladda Federaalka xiriir toos ah la sameysay Dowladaha Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta.

Qaxootigaan oo tiradoodu u dhaxeyso 10-20 Kun kuna sugan Dalka UAE ayaa la sheegay in Saraakiisha UAE ay markii Hore ay Qorshahaan kala Tasha seen Maamulka Hargeysa, kuwaasoo si deg deg ah u oggolaaday, balse Ayaan darro Lama soo xiriirin Dowladda Federaalka Somalia, iyadoo Saraakiisha Dowladda ay ku wargeliyeen USA in aan lagala tashan talaabadaan u muuqato fara gelin Arrimaha gudaha Ee Somalia.

Qorshahaan ayaa la sheegay in USA ay hakad geliyeen kadib markii ay cabasho xoogan ka soo gaartay Dowladda Federaalka Somalia, waxeyna u sheegeen Saraakiisha UAE in Qorshahaasi uusan xiligaan suurto gal aheyn, isla markaasna dalal kale oo Afrika ah lagala tashan doono.

138070cookie-checkDowladda Somalia Oo Hor-istaagtay Qorshe Qaxooti Lagu Keeni Lahaa