Dhalinyaro Qaxooti ah Oo Xirfad Shaqo-Abuur Loogu Kordhiyay Habka Ganacsiga Online-ka..

Africa News Somalia news

Wararka naga soo gaaraya xeryaha Qaxootiga Degaanada Xagardheer iyo Dhadhaab ee Waqooyiga-Bari Kenya ayaa sheegaya in 2200-Dhallinyaro qaxooti ah ayaa fursado shaqo abuur ka helay Suuqa Ganacsiga online-ka, markii ay Hay’adda NRC ay bartay xirfadaha looga shaqaysto, kuwaasoo il-dhaqaale u noqday Qoysaskooda oo ku nool xeryaha…

Wararka ayaa sheegay in Dhalinyaradaan ayaa qaarkood bartay Habka Upwork-ka ee turjumida Luqadaha (Somali-English), si Macaamiisha Online-ka ah loogu adeego iyo Iibinta alaabaha kala duwan ee online-ka Ganacsiga, iyadoo Dhalinyaradaan la sheegay iney isku cel-celis bishii ay ka Faa’iidaan 500-600 US$, si dhaqaalahaan a ugu biilaan Qoysaskooda xeryaha ku nool.

Dhalinyaradaan ayaa qaarkood ay sheegeen iney qaateen tababaro la xiriira ganacsiga Online-ka muddo 6-bilood ah, iyagoo u adeegsada Computero iyo Internet, una sahlay iyagoo guryahooda jooga iney isku dhex wado Maareynta nolosha Qoyska iyo Ganacsiga Online-ka.

271580cookie-checkDhalinyaro Qaxooti ah Oo Xirfad Shaqo-Abuur Loogu Kordhiyay Habka Ganacsiga Online-ka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com