Shirkad Xawaaladeed oo Ka Holwgasha Virginia (USA) oo Ganaax la dul dhigay..

Somalia news U.S.

Baaris u sameeyay sanadkii 2021, Xafiiska Machadyada Maaliyadeed kuwaasoo doonayay inay eegaan buugaagta Hashi Money Wiring, shirkad fadhigeedu yahay Washington oo wakaalad ku leh Waqooyiga Virginia, Shirkadaan ayaa inta badan ganacsigeeda yahay dirista lacagaha Xawaaladaha ee Somalia iyo Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Dalalka dariska ah…

Qareenada Xawaalada waxay u qoreen jawaabta soo jeedinta baaraha ee ah ganaax dhan $72,500: “Waxaa muhiim ah in la fahmo in aysan jirin sabab lagu aamino in Xaashi waligiis uu soo maray dhibaatooyin dhaqaale, ma jirto sabab lagu aamino in macaamiisheeda si kasta loo halis galiyay, maya, sabab loo rumaysto in sinaba aanay u buuxin shuruudaha dhaqaale ee BFI ee ganacsiga xawaalada dirista lacagta.

Milkiilaha Xawaalada, Isagoo rafcaan ka qaadanaya soo jeedinta Dacwad oogaha, Xaashi wuxuu sheegay in lacag u dhaxaysa 4 milyan iyo $5 milyan ay sanadkii ka soo wareejisay Laanteeda Virginia, iyadoo in ka badan 75% loo diray Dalka Somalia ama xeryaha qaxootiga Soomaalida ee Ethiopia iyo Kenya.

Madaxa Xawaalada, Cabdulxakiim Xaashi, ayaa u sheegay Baarayaasha dhageysiga in shirkadu ay taageerto ilaa $400,000 oo ah xisaabaadka ururka amaahda ee magaciisa, isagoo intaasi raaciyay in Xawaalada aysan magaceeda ku lahayn akoon bangi tan iyo 2016 ama 2017, markaasoo bangi maxalli ah oo ku yaalla Gobolka Washington uu xiray akoonkiisa si uu u yareeyo khatartiisa, Xawaalada ayaa lagu ganaaxay 75,000 US$.

271540cookie-checkShirkad Xawaaladeed oo Ka Holwgasha Virginia (USA) oo Ganaax la dul dhigay..