Dhalinyaro u Dhalatay Dalalka Uganda & Tanzania oo lagu Qabtay Degaanada Waqooyi Bari Kenya…

Africa News

Faahfaahin hordhac ah ayaa laga helayaa howlgal ay Boliiska Kenya ku qabtaen tiro Dhalinyarada ka soo jeeda Dalalka Uganda iyo Tanzania kuwaasoo doonaayay iney ku biiraan kooxda Aragagixisada Shababka, qorsheynaayayna iney ka talaabaan xadka u dhaxeeya Somalia iyo Kenya…

Wararka ayaa sheegaaya in  Boliiska Kenya ay ku xireen magaalada Garissa 6-Qof oo shan ka mid ah ay ka soo jeedaan Dalka Tanzania halka midka kalana uu u dhashay dalka Uganda, iyagoo doonayay inay ka soo talaabaan Xadka kuna biiraan kooxda argagixisada Shabaabka.

Saraakiisha Baarista Kiiskaan ayaa Eedeysanayaasha magacyadooda ku sheegay Muhamed Jahad Farah, Saad Suleiman Saleh, Nadrik Mbwana Salum, Abdul Kadir Salum Seif iyo Ali Issa Ali, oo dhamaantood u dhashay Tanzania iyo Hassan Tourabih Kintosa oo u dhashay Uganda.

Qabashada Eedeysanayaashaan ayaa ku hagaagtay wax yar laba toddobaad kadib markii mar kale la xiray 3-Nn oo u dhashay Tanzania oo kala ah Abdul Saif Salimu, Zuberi Ngare Mtondoo iyo Seif Abdalla Juma oo lagu qabtay Korakora, Garissa, kadib markii ay Dadka rayidka ay soo wargeliyeen joogitaankooda aagga.

Saraakiisha Amaanka ayaa sheegay inuu jiro isbeddel ay ku sheegeen iney ku jiraan dadka la qorayo ee u safraya iney ku biiraan kooxaha Argagixisada ka howlgala Somalia, iyadoo la siiyo hab-raacyo safar oo ay kaga fogaanayaan isgaarsiinta inta ay jidka ku jiraan ama ay Dadka weydiiyaan waddada si looga fogaado shakiga.

270050cookie-checkDhalinyaro u Dhalatay Dalalka Uganda & Tanzania oo lagu Qabtay Degaanada Waqooyi Bari Kenya…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com