Falalka Kooxaha Burcada Hubeysan Ee Dalka Sweden Oo Faraha ka Baxay…

World

Warbixino Amaan ayaa tilmaamaya inuu faraha ka baxay Dagaalka ay Boliiska Dalka Sweden kula jiraan Burcada Hubeysan (Gangs), iyadoo Todoba maalmood gudahood ay ka dhaceen ugu yaraan sagaal toogasho iyo dilal kale sida toorreey loo isticmaalay mudo gaaban, iyadoo cabsi badan ay Dalkaasi ka taagan tahay…

Iyadoo toogashadii ugu dambeysa ay ka dhacday habern hore magaalada Stockholm dhex mareysaa kooxo Kurdiyiin maafiyo ah oo maandooriyaha ka ganacsada, markii horena wada shaqeyn jiray, Arinta aadka loo hadal hayo ayaa ah in dadka la dilay ay ka mid yihiin Dad Ehel la ah Kooxaha Maafiyada laakiin aan wax lug ah ku lahayn arimahan, kuwaasoo qaab aargudasho ama aano ah loo dilay.

Warbaahinta ayaa aad uga hadashay Dilka haweeneey 60 jir ahayd, taasoo hooyo u ahayd Horgalada mid ka mid ah kooxahan Gangs, iyafoo Falkii ugu dambeeyay lagu tooreeyay nin 30-sano jir ah, xaafadda Lövgärdet oo ku taalla magaalada Gothenburg, weliba meel ay carruur badani dhoobnaayeen oo kubadda lagu ciyaaro.

Ku darsoo Xiisadahaan Dalalka ayaa saameysay Xiriirka Dalalka Turkiga iyo Sweden kadib markii mid ka mid ah Kooxaha Gangs uu u baxsaday Dalka Turkiga, iyadoo Dowlada Stockholm ay wrydiisatay in loo soo gacan geliyay Eedeysanaha waxaana la sheegay iney ku gacan seyreen, Kooxahaan ayaa u badan Turki, Kurdi, Arab, Soomaali iyo Dadka ka soo jeeda Bariga Europe.

277830cookie-checkFalalka Kooxaha Burcada Hubeysan Ee Dalka Sweden Oo Faraha ka Baxay…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com