Dhaqdhaqaaqyo Ciidamo Oo Iska Soo Horjeeda Oo Abaabulkooda Laga Wado Mogadishu

Somalia news

Sidii uu Qarxay Khilaafka u dhaxeeya Rooble & Farmaajo kuna aadan Kiiska Ikraan Tahliil iyo Amaanka iyo Maamulka Doorashada, ayaa waxaa soo baxaaya in Dhaqdhaqaaq iyo abaabul Ciidamo iska soo horjeeda laga dareemay Magaalada Mogadishu…

Xogtaan ayaa sheegtay in Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uu wakiil ka yahay Gen.Biixi ayaa la sheegay inuu ku howlan yahay sidii uu u diyaarin lahaa Ciidamo u dagaalama Farmaajo, wuxuuna dhaqdhaqaaq iyo abaabul ka wadaa Xerada Ciidamada ee Nacnac, iyadoo la sheegay in 2-Urur oo ka tirsan Guutada Gorgor Heegan lagu geliyay xeradaasi, sidoo kale Qorqor ayaa la sheegay inuu culeys ku saaray Farxaan Qaroole inuu diyaariyay Ciidamo u badan kuw Haramcad.

Ciidamadaan ayaa lagu wadaa iney xayiraado ku soo rogaan Dhaqdhaqaaqa Dadka iyo Gaadiidka Magaalada Mogadishu, iyadoo sidoo kale la dejiyay qorshe dagaal oo lagu weerari doono Ciidamada xarunta taliska NISA ee Warran, kuwaasoo diiday iney la saftaan Villa Somalia.

Dhanka kale, Ciidamo taabacsan Wasiirka 1-aad Dowladda Federaalka, ayaa la sheegay iney dhaqdhaqaaq ka wadaan gudaha Villa Somalia, iyadoo lagu kordhiyay Ciidamo dheeraad ah kuwaasoo loogu tala galay iney horistaagaan Kulamada Xildhibaanada ee uu qabanqaabinaayo Gudoomiyihii hore Ee Baarlamaanka 10-aad.

140200cookie-checkDhaqdhaqaaqyo Ciidamo Oo Iska Soo Horjeeda Oo Abaabulkooda Laga Wado Mogadishu