Villa Somalia Oo Qaaraan Dhaqaale u Uruurineysa Dagaalka Kooxda Shababka

Somalia news

Warbixin hordhac ah ayaa muujineysa in kadib markii uu dib u dhac iyo hakin ku yimid Dagaalkii ay Ciidamada Dowladda Federaalka ah ka wadeen degaanada hoos yimid Maamulada Hirshabelle iyo Galmudug, laguna sababeeyay Joojintaasi Dhaqaale xumo iyo Agabka Ciidamada oo hoos u dhac ku yimid…

Maamulka Xasan Sheekh ayaa maalmahaan waday Olole balaaran oo lagu kicinaayo Qurba joogta Soomaalida ee ku nool Daafaha Dunida, kuwaasoo loogu baaqay iney maalgeliyaan Dagaalka Looga soo horjeedo kooxaha Argagixisada, iyadoo Madaxweynaha uu kulan kula qaatay Jaaliyada Somaalida ee ku nool magaalada Rome.

Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladiisu ay qaaraan dhaqaale uga baahan tahay Jaaliyadaha Soomaalida ee Aduunka ku nool si ay u dardar geliso gulufka colaadeed ee dhanka ka ah kooxda Argagixisada Shababka, iyadoo Maamulka Mashruucii ahaa “Hal Dollar Dalkaaga ku dhiso u bedelay Hal $ Dalkaaga ku difaac”.

Dhawaaqaan ayaa ku soo beegmay xilli Maamulka Villa Somalia lagu eedeeyay musuq, Hogaan xumo iyo Eex, katib markii uu taageerayaashii u xushay Xilalka sare Dowladda kuwaasoo la sheegay iney ku kufeen Howlaha loo igmaday, bacdamaa aan markii horeba lagu xulin awood iyo karti.

241970cookie-checkVilla Somalia Oo Qaaraan Dhaqaale u Uruurineysa Dagaalka Kooxda Shababka