Dhaqdhaaq Ciidan Oo Iskaga Soo Horjeeda Xarunta NISA

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa dhaqdhaqaaq Ciidan oo iska soo horjeeda ayaa laga Dareemay gudaha iyo hareeraha Xarunta NISA ee Magaalada Mogadishu, xiisadan ayaa salka ku heysa Khilaaf u dhaxeeya Mr.Rooble iyo Farmaajo kana dhalatay Kiiska Ikraan Tahliil..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Ciidamo tiro yar oo u badan Kuwa ku beel ah Farmaajo horeyna uga tirsanaa Shababka lana magac baxay Duufaan ayaa qabsaday Xarunta NISA, waxaana ka horyimid kuwa gaar ah Ee Warran iyo Gaashan oo NISA ay leedahay, sidoo kale Kolonyo Ciidamo oo uu hogaaminaayo Agaasimaha cusub Ee NISA oo ay wehliyaan kuwa Amisom ayaa u dhaqadhaaqay Xarunta NISA.

Wararka ayaa sheegaya in Rasaas goosgoos laga maqlaayo Xarunta NISA, iyadoo la sheegay in Rooble iyo Bashir Goobe ayaa u dhaqaaqay xarunta weyn ee NISA, Waxaana galbinaya ciidamada WARAN. Waxay u badan tahay ineey la socdaan Ciidamada AMISOM ee ilaaliya RW ha.
Stay tuned.

139740cookie-checkDhaqdhaaq Ciidan Oo Iskaga Soo Horjeeda Xarunta NISA