Talo Bixinta Khaldan Ee Siyaasiyiinta Soomaalida Oo hortaagan Horumarka Hanaanka Dowladeed & Amaanka Dalka  

Somalia news

Iyadoo ay ka soo wareegatay 9-maalmood markii uu Xasan Sheekh ku guuleystay una codeeyeen Xildhibaanada 2-Aqal, ayaa waxaa soo baxaaya warar welwel xambaarsan kuwaasoo tilmaamaya Dadka Talada bixinaayo qaarkood waxeysan aqoonin ayeey Talo ka bixinayaan, taasoo dhibaato ku ah Hanaanka Dowladeed iyo Xasiloonida…

Xogta ayaa xaqiijisay in Madaxweynaha cudub ay in ka yar hal usbuuc waxaa toos talo u siiyay in ka badan 11.000-Qof, iyadoo ay si dadbana waxaa dhanka khadka isgaarsiinta ay u soo mariyeen ugu yaraan 30.000 Qof, Dhamaan Dadkaan ayaa ka siman hal arrin dhamaantood waa jago iyo macaash doono, waxeyna dhibaato ku yihiin Hanaanka Dowladeed Xasiloonida.

Madaxda Soomaalida ayaa Sanadahaan dambe dhaqan ka dhigteen iney Xiliyada dambe ee habeenkii ay qaabilaad ku gaaraan, iyagoo lagu xanto in go’aanada Agaasimayaasha & Madaxa Laamaha ku mashquulaan magacaabistooda, halkii loo madax baneyn lahaa Wasiirada iyo Hogaamada xilalka haya, Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd Marxuum Cabdullaahi Yuusuf ayaa laga reebay hal ku dheg ah ”Kuwa Maalintina waan la shaqeynayaa kuwa Habeenkiina waan la shaqeynayaa”.

William Churchill oo ahaa Ra’iisul wasaarihii hore ee UK wakhtigii Dagaalkii 2-aad ee Aduunka, ayaa lagu yiri: iyadoo la duqeeynayo Caasimadda Dalkaaga oo la wareersanyahay ayaad Haddana Gaartay Go’aano wanaagsan oo Dalka lagu Badbaadiyay Sideey ku dhacday, waa maxaay Sirta ka dambeeyso?. waxa uu yiri: Wax weyn ma ahan, Saacado badan ayaan hurdayay, si Aniga oo Degan aan Go’aan u gaaro, intii Aniga oo dhafray oo Maskaxda ka daalan aan Go’aan gaari lahaa.

190500cookie-checkTalo Bixinta Khaldan Ee Siyaasiyiinta Soomaalida Oo hortaagan Horumarka Hanaanka Dowladeed & Amaanka Dalka