Rakaabka Shirkadda Diyaarada Ethiopian Airlines oo ka Cabanaaya Qiimaha Tikidhada…

Africa News

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Cabasho xoogan iyo Qeylo dhaan ayaa ka yeereysa Rakaabka tikidhada ka goosta degaanada Puntland, taasoo ku socota Shirkada Diyaaradaha Itoobiyaan Airlines, kadib markii Qiimo ka baxsan inta Shirkadda jaangoysay laga qaado Rakaabka..

Wararka ayaa sheegay in Cabashada ayaa salka ku heysa Qiimaha Tigidhada, gaar ahaan Duulimaadka Bosaso-Addis-ababa, iyadoo sida saxda ah Qiimaha Tigidka Bosaso-Addis uu yahay $370 Tagid iyo soo laabasho, Balse Xafiiska Shirkada Ethiopian Airlines ee Boosaaso ayaa ku jara Tigidka $600 Waxaana dul saar u ah $230.

Wararka ayaa intaasi raaciyay in markaad Addis ka goosato Tigidka ama Online-ka, waxaad Shirkada u shubaysaa Lacag dhan $370, Balse xafiiska Boosaaso si uu uga hor tago in aan Dadku kasoo goosan Addis ama Online, wuxuu khasab ka dhigay in Xafiiska Boosaaso kaliya laga jarto Tigidka oo aysan aqbalayn mid laga jaray Adis ama Online-ka.

Xog loo qaateen ah ayaa sheegaaya in Wakiilka rasmiga ah ee Shirkada Ethiopian Airlines ee degaanada Puntland uu yahay Madaxweynaha Puntland Walaalkiis Xasan Deni, waxaase ku magacaaban Nin la yiraahdo Abuubakar oo aan lahayn wax go’aan ah.

276460cookie-checkRakaabka Shirkadda Diyaarada Ethiopian Airlines oo ka Cabanaaya Qiimaha Tikidhada…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com