Maxaa Ka Dhab ah In Cali Yare Laga Hor-istaagay Inuu Musharax Noqdo

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Farmaajo & Fahad oo dhinac ah & Cali yare oo ka mid ah Taageerayaasha jidbeysan ee Farmaajaha Fashilmay, taasoo horseeday in loo diido inuu galo Xafiisyada Madaxtooyada…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Khilaafkaan uu ka soo bilaawday kadib markii kulan ay yeesheen Fahad Yasin & Cali yare maalintii arbacada, Kulankaan ayaa ku soo dhaamaday natiijo la’aan, kadib markii uu diiday (Cali Yare) talo uu siisay Fahad oo aheyd in uu iskaga haro tartanka kursiga hope#147.

Wararka ayaa sheegay in Cali yare uu ogaaday in Fahad Yaasiin uu aad u taageeraan yahay Musharaxa lagu magacaabo Nuur Axmad Salaad oo ka tirsan Hay’ada Hey’adda NISA, Cali yare Oo dacwo ka ah Fahad Yaasiin ayaa tagay Xafiiska Farmaajo waana loo diiday inuu la kulmo.

168170cookie-checkMaxaa Ka Dhab ah In Cali Yare Laga Hor-istaagay Inuu Musharax Noqdo