Dhibaatada Dhaqaale Ee Lacagaha Been Abuurka Ah Ee Shimon Soomaaliga

Somalia news

Warbixino laga diyaariyay dhibaatada dhaqaale ee lacagta Dalka Ee qiimo beelka ku riday Shilin Soomaaliga ayaa daaha looga rogay soddonkii sano ee la soo dhaafay, gaar ahaan sanadihii ugu dambeeyay, iyadoo farta lagu fiiqay dhowr qodobo oo is biirsaday lagu sababeeyay…

Daraasadaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in qiimo beelka ku yimid lacagta dalka ay ugu wacan tahay adeegsiga badan ee lacagaha qalaad iyo weliba lacagaha la isugu diro teleefanada gacanta iyo Daabacaada Lacaga been abuurka ah oo inta badan la sheegay in lagu farsameeyo Degaanada Garoowe iyo Boosaaso halkaasoo ay yaalaan Mashiino.

Bishii August Ee Sanadkaan ayaa la sheegay in Sarifka Shilinka iyo Dollar-ka lagu kala bedelanaayay 1-US$, 34-Kun Shilin Soomaali, xiligaan ayaa la sheegay inuu gaaray 46-Kun shilin Soomaali, waxaana lagu sababeeyay sare u kacaan in lacagta uu u badan mid duug ah ayna suuqayada wareegeyso mid been abuur ah iyo Ganacsatada oo muddo hore bilaabay iney Alaabtooda ku Iibiyaan US$.

Dowladda Federaalka iyo Maamulada Gobolada ayaa la sheegay ineysan Qorshaha ugu jirin iney wax ka qabtaan dhibaatadaan ka taagan Qiime dhaca Shilin Soomaaliga iyo sida xal waara looga gaari karo dhibaatada Shilin Soomaaliga Mustaqbalka iyo wax ka qabashada Kooxaha daabaca lacagaha been abuurka ah.

80830cookie-checkDhibaatada Dhaqaale Ee Lacagaha Been Abuurka Ah Ee Shimon Soomaaliga