Mareykanka Oo Ciidamadiisa Ka Daadgureynaaya Somalia

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Rahan Maraakiibta dagaalka Mareykanka uuna hormuud u yahay Markabka USS Nimitz (CVN-68) ee diyaaradaha xambaara, ayaa soo gaaray Xeebaha Magaalada MUQDISHU, waxaana raxantaan ka mid ah USS Makin Island ARG/15th MEU, si looga daadgureynayo Ciidamada USA Ee Somalia ku sugan…

War-saxaafadeed laga soo saaray taliska Africom ayaa lagu sheegay in Raxantaan Maraakiibta ah oo ay saaran yihiin 5000 ciidamada Badda Mareykanka, diyaarado dagaal, helikobtaro iyo Diyaaradaha xamuulka ayaa qabanaya inuu ka jawaabo baahida ciidamda Mareykanka ee la daad gureyneyo iyo wixii khatar ah ee ku imaan kara, wuxuuna Somalia ka saarayaa ilaa 700 askari, hubkooda iyo saadka ciidamdaasi oo ay ku jiraan dyaaradaha Drone-ka ee ay ku howlgalaan.

Waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda xeebaha Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda la xakameeyo Maraakiibta Ganacsiga iyo Doonyaha Kaluumeysatada Somalia inta lagu guda jiro daadgureynta Ciidamada USA, kuwaasoo la sheegay in qaarkood la geyn doono Dalalka Kenya iyo Jabuuti.

80790cookie-checkMareykanka Oo Ciidamadiisa Ka Daadgureynaaya Somalia