Xarumaha Filimada Lagu Daawado Dalka UK Oo Diiday Faafinta Film Meel ka dhac ku ah Muslimiinta

World

Wararka naga soo gaaraya Boqortooyada UK ayaa sheegaya in Shirkada Cineworld oo leh shineemooyin badan ku leh Dalka Ingriiska ayaa diidday in filimka The Lady of Heaven (Marwadii Jannada) lagu daawado shineemooyinka Cineworld, Qaar ka mid ah wargeysyada Dalkaasi ayaa soo saaray faallooyin ay ku taageerayaan filin naceyb iyo been fidin ku salaysan.

Wararka ayaa sheegay in Filimkaan uu qoray Shaqsi Shiici ah, oo ku caan baxay cayda dhashii Nabi Maxamed, hooyadii muuminiinta (Caa’isha) iyo khulafadii hanuunsanayd, ayaa diidmo kala kulmay shineemooyinka Biritan, waxaana magaciisa lagu sheegay Yasser al-Habib oo ah Shiici Kuwayd ka soo jeeda, ku nool Britain kuna caan ah aflagaaddeynta Shucuubta Sunniga.

Qaar ka mid ah wargeysyada Britain ayaa soo saarray faallooyin ay ku eedeynayaan Cineworld oo ay ku tilmaameen shirkad u nuglaatay cadaadiska kaga yimid dadkii ku hor bannaanbaxay shineemooyin oo isku dayay inay filinka faafiyaan.

Wadaaddada hormuudka u ah Madhabta Shiicada qaarkood ayaa hore u soo saaray fatwo ay ku diideen aflagaaddeynta khulafadii hannuunsanayd iyo hooyadii Muslimiinta (Caa’isha).

194360cookie-checkXarumaha Filimada Lagu Daawado Dalka UK Oo Diiday Faafinta Film Meel ka dhac ku ah Muslimiinta
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com