Dhismaha Safaarada Sweden ee Iraq oo Dab la Qabadsiiyey Kadib Qur’aan..

World

Dadwayne aad u fara badan oo Banaanbax rabshado wata dhigaayay ayaa gudaha u galay dhismaha Safaaradda Sweden ee Iraq, waxayna dab qabadsiiyeen dhismaha, iyagoo ka cabanaya mudaaharaad si rasmi ah loo fasaxay, kaasoo ay suurtagal tahay in lagu gubo Qur’aanka Kariimka ah oo la qorsheeyey in lagu gubo bannaanka Safaaradda Ciraaq ee Stockholm…

Boqollaal Dibad baxayaal ah ayaa ku soo qamaanay dhismaha Xafiisyada diblomaasiyadeed subaxnimadii hore ee maanta, kadib markii Wadaadka saamaynta leh ee Shiicada ee Muqtada al-Sadr uu ugu baaqay taageerayaashiisa inay mudaaharaad sameeyaan, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Mudaaharaadkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay ogolaanshaha Dowladda Sweden ee in Qur’aanka lagu gubo afaafka hore ee Safaaradda Ciraaq ee Stockholm Khamiistan maanta ah.

267100cookie-checkDhismaha Safaarada Sweden ee Iraq oo Dab la Qabadsiiyey Kadib Qur’aan..