Maxaa Sababay In Farmaajo Uu Ku Fashilmo Siyaasada iyo Dhismaha Ciidamada

Somalia news

Hogaamiye Kooxeedka soo daahay ayaa maalmahaan ku jira xiligii ugu adkaa ee mustaqbalkiisa Siyaasadeed, kadib markii uu fashil soo jiitamaayay 4-sano soo gaaray gunaanadkiisa, Farmaajo ayaa la doortay iyadoo Shacbiga Soomaaliyeed oo dowladnimo iyo Cadaalad u ooman isla markaasna ku haminayaa inuu ka saari doono Amni darrada, Shaqo La’aanta iyo lana gaarsiinta doono horumarna iyo waxqabad Cadaalad ku dhisan….

Hase yeeshee Farmaajo ayaa Muddadiisa ay kaga dhamaatay isagoo aan xitaa fulin balanqaadyadiisii, inkastoo ay Saraakiisha Dowladda ay sheegteen in xaalado jira ay ka horistaageen iney fuliso balanqaadyada la galay, waxaase marqaati ma doonto ah inuu isku dayay inuu burburiyo Nidaamka Federaalka ee lagu heshiiyay, dhisana Maamul Kali-talis ah, isla markaasna uu Dalka hoos geeyo Isbaheysiga Ethiopia iyo Eritrea.

Dagaalka Xukunka la xiriira:-

Dagaalka xukunka la xiriira, Waxaa sababa Siyaasad xumida Qofka jiheynaaya, Farmaajo ayaa wakhti geliyay sidii uu u dhisi lahaa Ciidamo isaga ka amar qaata, Dhaqaale Ku bixiya (Kiro), daacadna u ah sidii Adeerkiis, wuxuuna todobaadkaan ogaaday inuusan heysan Ciidamo Daacad u ah oo difaaca Kursigii kadib dagaaladii 25-kii bishaan ka dhacay Magaalada Mogadishu.

Hadaba Maxaa sababay inuu Siyaasad iyo dhismaha Ciidamada ku fashilmo, waxaan ku soo koobeynaa dhowr qodobo:-

-AragtidiIsa Siyaasada qabyaaladeysan wuxuu Maamulka Ciidamada oo uu Madax uga dhigtay laba Nin oo qaraabadiisa ah kuwaasoo kala ah Biixi iyo Saciid Kampala halka Boliiska uu ku aaminay Abtgiis iyo NISA uu u doortay Fahad oo hooyadiis ay Mariixaan tahay Iyo C/hi Jiis-Mareexaan, macquulna ma ahan in Xilalka Qaranka Xigtada laga taxo.

-Kooxdiisa oo aan Siyaasad hadaf fog aan laheyn marka laga reebo iney ku dhiiradaan in Maamul dhisan burburiyaan mid iyaga taabacsan xilka u dhiibtaan Weliba dadkaasi aqoontoodu hooseyso.

-Farmaajo ayaa isku wareejiyay La-taliyayaal aqoontooda iyo garaadkooda hooseya kuwaasoo shaqo Qaran ka dhigay igu Sawir iyo dhismaha kooxo Baraha Bulshada Muwaadiniinta Soomaaliyeed ka aflagaadeeya iyagoo adeegsanaaya Canshuuraha Gobolka Benadir, La-taliyayaasha ayaa isugu jira kuwo Gunooyinka iska qaata, qaar ku dhiiri geliyay Siyaasadiisa qar iska tuurka iyo kuwo wax walba ku raaca oo aan marna runta u sheegi karin, (Siyaasigu wuxuu gartaa inta uu la-taliyihiisu garto).

115630cookie-checkMaxaa Sababay In Farmaajo Uu Ku Fashilmo Siyaasada iyo Dhismaha Ciidamada