Kenya Oo Sheegtay in Dhawaan dib loo Bilaabi doono Qaadkii Somalia Loo Dhoofin jiray

Somalia news

Wasiirka Beeraha Kenya, Peter Munya ayaa sheegay in heshiiska dib loogu soo celinayo ganacsiga Somalia iyo Kenya uu ku yimid dib u dhac kooban, Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxweynaha Somalia uu ka baaqsaday ka qeyb galka Kulankii Urur Goboleedka IGAD…

Mr.Munya ayaa sheegay in Uhuruu iyo dhiggiisa Somalia ay wada xiriireen dhawaana ayna kulmi doonaan si loo dhameeyo heshiiska dhoofinta Qaadka.

Waxaan rabaa inaan u caddeeyo beeraleyda Miira inaysan niyad jebin, heshiiska ganacsiga lama saxiixin Talaadadii sida ballantu ahayd, sababtoo ah Madaxweynaha Somalia ayaa ku sugnaa dalka Turkiga, labada madaxweyne waxay ku talo jiraan inay dhawaan kulmaan si ay heshiiska u saxiixaan,” ayuu yiri Mr Munya.

Somalia ayaa hakisay soo dejinta Mirowga bishii Maarso ee 2020 iyadoo sabab uga dhigaysa xanibaadaha Covid-19 ka hor inta aan la kordhin xayiraaddiisa Augusto isla sanadkaasi, iyadoo Kenya ay Muqdisho u dhoofin jirtay ilaa 50-tan oo qaad ah maalin kasta, Wuxuuna Maamulkii Farmaajo oggolaaday in la keeno Qaadka Ethiopia, taasoo meesha ka saartay masiirkii ganacsiga Qaadka Kenya.

199450cookie-checkKenya Oo Sheegtay in Dhawaan dib loo Bilaabi doono Qaadkii Somalia Loo Dhoofin jiray